Marka aad daawato cunugaaga oo koraya, waxaa laga yaabaa in aad ka welwesho horumarka ilmahaaga. Inkasta oo carruurta yaryari dhammaan ay u koraan isuna bedelaan heer iyaga u gaar ah, mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in aad ka welwelsho in ilmahaagu uu u korayo si ka duwan carruurta kale ee ay isaga isku aynka/da'da yihiin.
Haddii aad qabto walaac ku saabsan horumarka koriinshaha ilmahaaga, wac 1-866-693-GROW (4769) ama isticmaal foomka gudbinta ee hoose si ilmahaaga xaalkiia loo gudbiyoFoomamkan gubinta iyo nambarka taleefanka ee la socda waxaa loogu talagalay adeegyada gobolka Minnesota iyo 11-ka Qabiil ee Qabaa'ilka ee aan wadaagno juqraafiga.Si aad u raadiso adeegyada dhexgalka hore ee gobolo kala duwan, booqo boga internekta IDEA website.
Marka gudbinta lagu sameeyo Help Me Grow (Igu Caawin Koriinka), dugsiga degmada ayaa kula soo xiriiri doona si ay kuugu diyaariyaan baaris ama qiimeyn lagu sameyn dooono ilmahaaga si loo go'aamiyo in ilmahaagu u qalmo Infant and Toddler Intervention or Preschool Special Education services (faragelinta dhallaanka iyo socod-baradka ama adeegyada waxbarashada gaarka ah ee preschool) ee Minnesota iyo 11ka Qabiil ee ay la wadaagnaa juqraafiga.
Adeegyada dhamaantood waa bilaash iyada oo aan loo eegayn heerka dakhliga ama heerka muhaajirnimada.
Haddii aadan ahayn waalidka, waxaad samayn kartaa gudbin iyada oo aan waalidka ogolaansho laga heysan carruurta da'doodu u dhaxayso min dhalashada ilaa shan jir.Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad kala hadasho qoyska waxa ku saabsan gudbintaan aad sameysay.Degmo dugsiyeedka ayaa qoyska kala xiriiri doona ogolaanshaha ay ku sii wadayaan gudbinta waxaana laga yaabaa inay aqbalaan ama diidaan.