Marxeeladaha kobaca 1-bil

Inkastoo cunug walbo yahay gooni, ciyaalka waxey u hurmaraan si yaabo la saadaalin karo. Kuwan waxaa la dhahaa marxeeladaha kobaca ilmaha. Waxaa jirto afar qeyb oo ey ciyaalka u hormaraan: garashada, xiriirka iyo luuqada, bulshada iyo dareenka, iyo jir ahaan. Herarkan waxey kaa caawinayaan in aad fahanto sida cunugaaga wax u barto una koro.

Download: MP4 format

Marxeeladaha kobaca:


  • Ka dul qaadi karo madaxa dhulka marka uu caloolsha u jiifo.
  • Sameyn karo dhawaaqa hadaaq ah.
  • In dago ama uu aamuso markaad taabato.

Waxyaabaha aad sameyn karto si aad u dhiiri galisid koritaan caafimaad leh:


  • Ha heysto xili calool u seexisid: Ku qabo cunugaaga dhabta isagoo calool u jiifo xili yar marka uu soo jeedo.
  • U seexi cunugaaga dhabarka xiliga uu wax yar seexanaayo iyo hurdada habeenkii.
  • U jawaab cunugaaga marka uu ooyo, iyo hadii eyna gaajo heynin ama uu u baahneyn in xafaayada laga badalo, ku day in aad duduubto, ruxdid, u heestid ama banaanka soo socodsiisid.

U dir cunuga – maxaa la sameeyaa hadii uu walwal jiro

In aad gudbisid cunug wey fududahay. Qof walba ayaa cunug soo gudbin karo, sida waalidka, qof qoyska ka mid ah, saaxiib ama xirfadle la shaqeeyo cunuga. Hadii aad qabto wax walwal ah oo ku saabsan hormarka iyo aad ka fakirtid cunugaaga in uu u baahanyahay caawin dheeraad ah si uu wax u barto una koro, haka baqin in aad u dirto cunugaaga adigoo wacaayo 1-866-693-GROW (4768). Turjubaanada luuqadaha ayaa la heli karaa. Si aad uga buuxisid foomka online isagoo English ah, booqo boga ah Ilmo Soo Gudbi.

Daawo fidiyoowgansi aad u heshid waxyaabo kale oo badan oo ku saabsan waxkaqabadka hore iyo adeeegyada waxbarashada gaarka ah preschoolka ee Minnesota. Waxa ku jira vidoyowga waxaa diyaarisay ECHO Minnesota, iyadoo ey maalgalisay Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, PACER center iyo schoolada pupliga ah ee St. Paul.

  • Caawin qaas ah ayaa la heli karaa.
  • Dhamaan adeegyada ey ilamaha u qalmaan waa lacag la’aan iyada oo loo eegeyn xaalada socdaalka ama dhakhliga.
  • Wax liis sugid ah majiraan.

SABABAHA KEENO IN ILMO LA GUDBIYO

Hadii cunuga oo tusiyo wax ka mid ah calaamadaha soo socdo, qaad ficil dagdag ah una gudbi cunuga programka ah Help Me Grow. Waa in aad sidoo kale la xiriirtaa waxii walwal ah bixiyaha daryeelka caafimaadka.

  • Aan laheyn hadaaq, tilmaan ama dhaqaaq xilaga uu gaaro 12 bilood (1 sano).
  • Hal erey dhihin marka uu gaaro 16 bilood.
  • Labo erey isku qaban karanin marka uu gaaro 24 bilood (2 snao).
  • Hadey ka lumaan xirfadaha DADA walbo ha jiree.
  • Dhibaato xaga araga iyo maqalka.
minnesota icon

BAARITAANKA CARUURNIMADA HORE

Baaritaanka caafimaadka caruurnimada hore waa baaritaan bilaash ah oo ku saabsan sida cunuggaada 3 jirka u koro, sida uu barbaaro iyo sida uu wax u barto.

La xariir Dugsigaaga Degmada wixii ku saabsan Baaritaanka Caruurnimada Hore

Caruurta Minnesota dhammaantood waxaa laga baahan yahay in la baaro inta aanay gelin dugsiga ababinta.

information icon

Ku Saabsan Help me grow

Help Me Grow wuxuu ka dexeya Minnesota waxda waxbarashada, caafimaadka,adeegyada aadanaha iyo barnaamajaha gudaha sida loo aqoonsada caruurta koritaanka ku dib dhacay si oo soo-dhexgalin degdeg ah la sameyo.

check icon

Gudbinta Ka dib

Markaa cunug la gudbiyo, dugsiga degmada aya reerka la xariiraya sida cunuga baaritaanka caafimaadka caruurnimada hore loo diyaariyo in la ogaado haduu cunuga u qalmo soo-dhexgalka hore mise waxbarashada gaarka ah.

Adeegyadaan waxay lacag la’aan u yiihiin qosaska u qalma taaso aan ku xirnayn:

  • Daqliga
  • Xaaladda soo galootinnimo