Marxeeladaha kobaca 2-bilood

Inkastoo cunug walbo yahay gooni, ciyaalka waxey u hurmaraan si yaabo la saadaalin karo. Kuwan waxaa la dhahaa marxeeladaha kobaca ilmaha. Waxaa jirto afar qeyb oo ey ciyaalka u hormaraan: garashada, xiriirka iyo luuqada, bulshada iyo dareenka, iyo jir ahaan. Herarkan waxey kaa caawinayaan in aad fahanto sida cunugaaga wax u barto una koro.

Download: MP4 format

Marxeeladaha kobaca:


  • Madaxa kor u hayi karo iyo in uu bilaabo in uu kor isugu riixo gacmaha marka uu caloosha u jiifo.
  • Samayn karo dhaqaaq fudud lugaha iyo gammaha.
  • Dhaqaajin karo gacmaha iyo lugaha si isku mid ah.
  • Afka gacmaha gashan karo.

Waxyaabaha aad sameyn karto si aad u dhiiri galisid koritaan caafimaad leh:


  • Sii wad in aad caloosha u seexisid waqiya dheer.
  • La hadal cunugaaga, u aqri, unaa dhoola cadey
  • Bilow in aad u sameysid waqti joogta ah oo uu seexdo in ka badan maalinkii.

U dir cunuga – maxaa la sameeyaa hadii uu walwal jiro

In aad gudbisid cunug wey fududahay. Qof walba ayaa cunug soo gudbin karo, sida waalidka, qof qoyska ka mid ah, saaxiib ama xirfadle la shaqeeyo cunuga.
Hadii aad qabto wax walwal ah oo ku saabsan hormarka iyo aad ka fakirtid cunugaaga in uu u baahanyahay caawin dheeraad ah si uu wax u barto una koro, haka baqin in aad u dirto cunugaaga adigoo wacaayo 1-866-693-GROW (4768). Turjubaanada luuqadaha ayaa la heli karaa. Si aad uga buuxisid foomka online isagoo English ah, booqo boga ah Ilmo Soo Gudbi.
Qoyska waxaa la soo xiriiri doono dugsiga dagmada si looga hadlo haduu jiro walaac iyo in loo balamiyo baaritaan iyo qiimeyn si loo go'aamiyo in uu cunuga u qalmo waxqabashada dhalaanka iyo socod baradka ama edeegyada waxbarashada qaaska ah ee preshoolka. Adeegyada oo dhan oo eey ciyaaalka u qalmaan waa lacag la'aan ayada oo loo egeynin xaaladaada socdaalka ama dakhligaaga. Wax liis sugid ah malahan.

Daawato Video

Daawo fidiyoowgan si wax badan u heshid oo ku saabsan adeegyada waxqabashada hore ee Minnesota. Waxa ku jira vidoyowga waxaa diyaarisay ECHO Minnesota, iyadoo ey maalgalisay Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, PACER center iyo schoolada pupliga ah ee St. Paul.

  • Caawin qaas ah ayaa la heli karaa.
  • Dhamaan adeegyada ey ilamaha u qalmaan waa lacag la’aan iyada oo loo eegeyn xaalada socdaalka ama dhakhliga.
  • Wax liis sugid ah majiraan.

SABABAHA KEENO IN ILMO LA GUDBIYO

Hadii cunuga oo tusiyo wax ka mid ah calaamadaha soo socdo, qaad ficil dagdag ah una gudbi cunuga programka ah Help Me Grow. Waa in aad sidoo kale la xiriirtaa waxii walwal ah bixiyaha daryeelka caafimaadka.

  • Aan laheyn hadaaq, tilmaan ama dhaqaaq xilaga uu gaaro 12 bilood (1 sano).
  • Hal erey dhihin marka uu gaaro 16 bilood.
  • Labo erey isku qaban karanin marka uu gaaro 24 bilood (2 snao).
  • Hadey ka lumaan xirfadaha DADA walbo ha jiree.
  • Dhibaato xaga araga iyo maqalka.
minnesota icon

BAARITAANKA CARUURNIMADA HORE

Baaritaanka caafimaadka caruurnimada hore waa baaritaan bilaash ah oo ku saabsan sida cunuggaada 3 jirka u koro, sida uu barbaaro iyo sida uu wax u barto.

La xariir Dugsigaaga Degmada wixii ku saabsan Baaritaanka Caruurnimada Hore

Caruurta Minnesota dhammaantood waxaa laga baahan yahay in la baaro inta aanay gelin dugsiga ababinta.

information icon

Ku Saabsan Help me grow

Help Me Grow wuxuu ka dexeya Minnesota waxda waxbarashada, caafimaadka,adeegyada aadanaha iyo barnaamajaha gudaha sida loo aqoonsada caruurta koritaanka ku dib dhacay si oo soo-dhexgalin degdeg ah la sameyo.

check icon

Gudbinta Ka dib

Markaa cunug la gudbiyo, dugsiga degmada aya reerka la xariiraya sida cunuga baaritaanka caafimaadka caruurnimada hore loo diyaariyo in la ogaado haduu cunuga u qalmo soo-dhexgalka hore mise waxbarashada gaarka ah.